Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir, ayaa daaha ka rogay inay diyaar u yihiin wada hadal ay la galaan Maamulka Ahlu Sunna ee haysta Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Cali Gacal Casir Guddoonka cusub ee Baarlamaanka Galmudug, wuxuu sheegay in Ahlu Sunna marna aanan laga maarmin, sidoo kalena dhankooda ay diyaar u yihiin inay la fariistaan oo ay la shiraan Ururkaasi.
“Runtii dadkaan dad walaalo ah oo Dowlad loo dhiso waa muhiim waa lala hadlayaa Ahlu Sunna waanala la dareensiinayaa, waana la dhageesnayaa, mana laga maarmo waa la tixgelinayaa waana la fariisanaynaa Dowladda dhexe ayaa ku jirto anagana qayb ayaan ka qaadan doonaa” Ayuu yiri Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Galmudug.
Ahlu Sunna ayaa gogol maamul loogu dhisaayo waxa ay dhigtay Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, iyadoo qaban qaabada dhismaha Maamulkaasi ay socoto.
Gobolada Dhexe Maamulka Cadaado laga dhisaayo iyo midka Dhuusamareeb ka socda dhismihiisa ayaa umuuqda kuwa iska soo horjeeda oo abuuraya xasarado siyaasadeed iyo jawi coladeed.
