Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Avv. Caydiid C/llaahi Ilka-xanaf oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in wax walba oo khuseeya dastuurka dalka ay mas’uuliyadi ka saran tahay maxkamadda sare ee dalka.
Avv. Caydiid Ilka-xanaf ayaa intaas ku daray in dad badan oo Soomaaliyeed ay dhaliilo ka keeneen dastuurka qabyo-qoraalka ah ee Somalia, isagoo ku daray hadalkiisa in wax laga qaban doono dhaliilaha shacabka ka imaanaya.
“Waxaa arrimaha dastuurka dalka iyo fasiraadiisa mas’uul ka ah maxkamada sare ee dalka, waxaana wax laga weydiinayo waa maxkamadda sare,” ayuu yiri Avv. Ilko-xanaf oo intaas raaciyay. “Sidaas waxaan u leennahay sharciga ama dowladnimada lama oga meel bannaan, caddeynta dastuurkana maxkamadda ayaa u xil-saaran.”
Sidoo kale, guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa sheegay inaan wali lasoo dhisin Golaha Adeegga Garsoorka, isla markaana shaqada ay kuwii hore sii wadaan, waayo sidaan horay u sheegay buu yiri meel bannaan lama ogola.
“Golaha Adeegga garsoorka dalka weli lama dhisin, waxaana inta laga soo dhisayo howsha sii wadaya golihii hore ee garsoorka dalka, waayo sharcigu ma ogola meel bannaan in lagu soo dhaco,” ayuu hadalkiisa raaciyay Avv. Caydiid Ilko-xanaf.
Isagoo sii hadlaya ayuu guddooomiyaha maxkamadda sare wuxuu hadalkiisa ku daray in go’aannadan labada ah ee uu maanta warbaahinta u sheegay ay gaareen toddoba garsoore oo maxkamadda sare ee dalka ka howl-gala.
Hadalka guddoomiyaha maxkamada sare ee dalka ayaa imaanaya xilli ay maanta xilkii iska-casishay guddoomiyihii guddiga madaxa-bannaan ee dib u eegista dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, Caasho Geelle Diiriye oo sheegtay in farsiraadaaha Dastuurka oo lagu kala aragti duwan yahay inay ka mid yihiin sababaha ay xilka isaga casishay.
Ugu dambeyn, arrinta ku saabsan guddiga adeegga garsoorka dalka ee uu ka dhawaajiyay maanta guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka ayaa isna kusoo aadaya iyadoo dhawaan uu madaxweyne Xasan Sheekh kala diray golihii adeegga garsoorka dalka, marka laga reebo guddoomiyaha maxkamadda sare.