spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeGudoomiyahii Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Xilka Laga Qaaday
Array

Gudoomiyahii Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Xilka Laga Qaaday

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa soo saaray wareegto uu xilka kaga qaadayay gudoomiyahii maxkamadda Sare ee maamulkaasi Yuusuf Ismaaciil Cali, iyadoo aan lasoo magacaabin shaqsigii bedali lahaa.

Wareegtada ayaa sidaan u qorneed:-

Madaxweynuhu:– Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 105aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Warbixintii iyo talo soo jeedintii Guddida Cadaaladda, taasoo tilmaamaysay in ay adagtahay wada shaqaynta Gudoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Guddida Cadaaladdu;

Markuu Arkay: Cabashooyinka is-dabajoogga ah ee dadweynuhu ka muujiyeen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Garsoorka Dalka;

Markuu Yaqiinsaday: In loo baahan-yahay isbeddel lagu sameeyo Garsoorka iyo Cadaaladda Dalka;

Wuxuu Go’aansaday

In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Guddoomiyenimo ee Maxkamadda Sare ee Somaliland ka qaado Mudane, Yuusuf Ismaaciil Cali.” Ayaa lagu yiri Wareegtadaasi.

Sidoo kale Wareegtada waxaa lagu cadeeyay In Siilaanyo uu golaha guurtida iyo midka wakiilada Somaliland loo gudbin doono wareegtadaasi.

 

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular