Ku simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in dowladda iyo Baarlamaanka ay ka go’an tahay sidii kala aragti duwanaanshaha dalka ka jira ay uga saari lahaayeen.
Isagoo ka hadlayay Munaasabad ka dhacday xalay Xarunta Madaxtooyada ayuu Mr Jawaari waxaa uu sheegay in Baarlamaanka iyo dowladdaba ay go’aan ku gaareen inay dalka ka saaraan kala qoqobka, isla markaana shacabka laga wacyi geliyo arrimaha Soomaaliya dhibka u keenay.
“Baarlamaanka Soomaaliyeed iyo dowladda waxaa go’aan ku gaarnay Soomaaliya inaan ka bixino kala qoqobka, Gobol keligiis u istaagi karo ma jiro, in la kala qoqobo ma ahan, ma ogolaan karo meel ka mid ah dalka in baasaboor lagu galo, sida Hargeysa”ayuu yiri Jawaari.
Mr Jawaari ayaa sheegay in maamul goboleedyda dhisan iyo kuwa dhismi doono sanadkan wixii ka dambeeya lala xisaabtami doono, gaar ahaan Wasaaraddaha ku shaqada leh ay si gaar ah ula xisaabtami doonaan
“Dowlad ahaan aniga iyo Madaxweynaha waa wada tashanay, waxaa rabnaa shacabka inaan awooda siino, waxay rabaan inaan u diiwaan gelino”ayuu hadalkiisa ku sii daray Jawaari.
Hadalka Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku soo beegmaya, xilli horay kala aragti duwanaan u soo kala dhex galay Baarlamaanka iyo Xukuumadda, taasoo keentay in labadii Ra’iisul Wasaare ee ugu dambeysay codka kalsoonida lagala laabto.