Gudigga Farsamadda Maamul u sameynta Gobollada dhexe ayaa maanta shaaciyey inta badan liiska xubnaha Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Galmudug.
GuddoomiyahaGudiggaFarsamaddaXaliimoIsmaaciilIbraahim (XaliimoYareey) ayaa ku amaantay odayaasha dhaqanku sida hufnaanta iyo caddaaladda leh ee ay u soo xuleen xubnihii Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Galmudug.
Xaliimo Yareey ayaatiri “aad iyo aad ayaan ugu mahadcelineynaa odayaasheenna dhaqanka, aad ayay u dadaaleen, waxaa ilaa hadda la soo gudbiyay 60 xubnood oo soo buuxiyay shuruudihii dastuuriga ahaa ee lagaga baahnaa, waxaa harsan tiro aad u yar, oo aan odayaasha ka codsanay in ay ku soo gudbiyaan kama dambeys maalinta berri ah si ay uga qeyb galaan fadhiga ugu horreeya oo qabsoomidoona maalin ta isniinta ah”
Ugu dambeynt, Guddoomiyaha Gudigga Xaliimo Yareey ayaa sheegtay maalinta Isniinta ah la qaban doono munaasabaddi dhaarinta iyo fariisinta Baarlmaankasi ay u guda galaan howlahii doorashooyinka.