Haweeney u dhalatay dalka Venezuela ayaa ku guuleysatay riyo ahayd in madaxweyne Nicolas Maduro-ga dalkaasi uu siiyo guri kaddib markii ay farriinteeda ku gudbisatay cambe ay ku tuurtay oo ay madaxa uga dhufatay madaxweynaha.
Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Marleny Olivo ayaa cambahaasi ku tuurtay madaxweynaha xilli uu gaari bas ah ku dhex waday magaalada ay degantahay oo ku taala bartamaha Venezuela.
Madaxweyne Nicolas Maduro oo ahaan jiray darawal basaska, waxa uu jecelyahay in uu xiriir la yeesho dadka caadiga ah ee dalkiisa isaga oo gaadhi bas ah ku soo booqda goobaha ay bulshadu deggan tahay.
Intii uu ku jiray safarka ee uu marayay gobolka Anzoátegui, waxaa lagu dhuftay cambe daaqada uga soo galay.
Maalmo kaddib isaga oo si toos ah TV u fadhiya Maduro waxa uu soo saaray cambihii oo ay ku qoranyihiin erayo ah haddii aad isoo wicikarto isoo wac iyo taleefan namberka haweenay konton iyo afar jir ah oo lagu magacaabo Marleny Olivo oo la nool hooyadeed iyo qaraabo kale.
Madaxwayne Maduro waxa uu sheegay in saraakiisha xafiiskiisu ay la xiriireen Olivo oo xoogaa ka walaacsanayd wicitaanka la soo wacay ilaa markii dambe looga sheegay in la siiyay guri qayb ka ah mashaariic waawayn oo guryo loogu dhisayo dadka reer Venezuela.
Waxa uu sheegay in cambuhu bislaaday wuxuuna balanqaaday in uu cunidoono.