spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeHogaamiyihii Al-Qaacidada Yemen oo lagu dilay duqeyn ay fulisay diyaarad Drone ah
Array

Hogaamiyihii Al-Qaacidada Yemen oo lagu dilay duqeyn ay fulisay diyaarad Drone ah

Wararka ka imaanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in Hogaamiyihii Al-Qaacidada Jaziiratul Carab Nasser al-Wuhayshi lagu dilay weerar ay fulisay diyaarada aan duuliyaha laheyn ee Drones ee uu leeyahay Mareykanka.

Warbaahinta Yemen ayaa sheegaya in al-Wuhayshi lagu dilay duqeyn maalintii jimcihii ka dhacday magaalada Koofurta ku taal ee Al-mukalla ee caasimada Gobolka Hadramawt

Waxaa loo arkayay inuu ahaa Hogaamiyaha labaad ee Al-Qaacida, sidoo kale waxaa uu mar noqday xogheyntii gaarka aheyd ee Usama Bin Laden.

Afhayeen u hadlay Al-Qaacida ayaa baraha Internet-ka ka sheegay in in Abu Basir Nasser Al-wuhayshi lagu dilay dalka Yemen, isaga iyo labo xubnood oo ka tirsan Al-Qaacida.

Pentagon-ka Mareykanka ayaan wali wax hadal ah ka soo saarin, laakiin wararka ugu badan ee laga helayo Yemen ayaa ahaa kuwo looga hadlayay geerida al-Wuhayshi

Amal al-Yarisi oo ah gabar wariyad u shaqeysa wargeyska Yemen Times ayaa sheegtay ilo aad ugu dhow Al-Qaacida ay u xaqiijiyeen in la dilay al-Wuhayshi.

Haddii ay dhab noqoto geerida al-Wuhayshi waxay noqon doontaa dhabar jabkii ugu weynaa ee Al-Qaacida ku dhaca tan iyo markii Osama Bin Laden lagu dilay Pakistan sanadkii 2011.

 

Mareykanka ayaa horay hogaamiye al-Wuhayshi madaxiisa dul dhigay lacag dhan 10-milyan oo dollar, cidii soo sheegta halka uu ku sugan yahay, si ay u suura gasho in Cadaaladda la horkeeno.

Al-Qaacidada Jaziiratul Carab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkii horaantii sanadkan lagu qaaday Wargeyska Faransiiska ee Charlie Hebdo ee ku yaalay magaalada Paris, waxaana wargeyskan horay u daabacay sawir gacmeed lagu aflagaadeeyay Nabi Muxumade (NNKH).

alwuhayshi

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular