Inkastoo madashu tahay Santiego Bernabue hadana wali lama saadalin karo cida gaari doonta Semi Finalka koobka Horyaalada Yurub, walow arinta ay ku xun tahay kooxda Real Madrid madama ay ciyaartoy badan ka maqan yahiin.
Maqnaashaha Modric, Marcelo, Bale iyo Benzema ayaa ah wax u xun macalin Carlo Ancelotti kaas oo laga yaabo inuu caawa ku wareero shaxda uu ciyaarsiin lahaa.
Dhanka kale Diego Simoene wiilashiisa dagaalka badan waxey caawa bartilmaameedsan doonana meelaha ay ka jilicsan yahiin kooxda Madrid.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Real Madrid vs Atletico Madrid
Tartanka: Champions League
Wareega: Quater Finalka – Lugta Labaad –
Garoonka: Santiego Bernabue
Saacadda: 9:45 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika)
YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?
Real Madrid caawa maahan habeen u fiican inkastoo ay awoodi karto iney guul weyn gaarto, hadana waxey weyneysaa xidigaha: Marcelo, Bale, Benzema iyo Luka Modric kuwaas oo dhaawacyo iyo ganaax kaga maqan kooxda.
Illara iyo Isco ayaa la filayaa iney caawa kusoo bilowdaan kulankaan kuwaas oo dhexda la wadaagi doona Kroos, halka James uu isna weerarka la gali doono CR7 iyo Chica ama Jese midkood.
MA OGTAHAY:
Labada kooxood ayaa 202 kulan oo horyaalka iyo koobab ah ku kulmay, 103 kulan waxaa badisay Madrid, 50 jeer waxaa badisay Atletico, halka 49 kulan ay barbaro galeen.
Kooxda Rojiblancos ayaa ciyaareysa wareega 8da ee Champions League markii 7aad, waxaana ay raadinayaan inay markii shanaad gaaraan wareega afar dhamaadka.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
Madrid:
Casillas; Carvajal, Varane, Ramos, Coentrão; Isco, Illarramendi, Kroos, James; Ronaldo, Hernández.
Atlético:
Oblak; Juanfran, Miranda, Godín, Siqueira; Arda Turan, Gabi, Tiago, Koke; Griezmann, Mandžukić.