spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeHowl gallo ballaaran oo saaka ka bilowday magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay
Array

Howl gallo ballaaran oo saaka ka bilowday magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay

Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay inuu howl gallo amniga lagu xaqiijinayo uu ka bilowday magaalada Baydhabo, ayna qaadi doonaan duulaan ka dhan ah deegaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab ee gobolada Bay iyo Bakool.

Wasiirka Amniga ee Maamulka Koofur Galbeed C/fataax Geesey ayaa sheegay in howl galladan lagu xaqiijinayo amniga, loogana hortagayo weerarada ay geystaan Al-Shabaab.

Ciidamada ammaanka oo ay wehliyaan ciidanka AMISOM ee Itoobiya ayaa saaka Baydhabo ka bilaabay howl gal ballaaran oo guri guri ah, waxaana howl galkan uu saameeyay dhaq dhaqaaqii guud ee magaalada, sida Ganacsiga, goobaha waxbarashada iyo isu socodka.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay xireen wadooyin badan, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in howl galku ahaa mid si aad ah u saameeyay.

Inkastoo ay tahay xilli hore, hadana wali cidna laguma soo qaban, hase ahaatee ciidamada ayaa dadka weydiinayay su’aalo la xiriira dadka degan guryaha, tiradooda iyo waxa ay ka shaqeeyaan.

Howl galkan culus ee saaka ka socda magaalada Baydhabo ayaa ku soo beegmaya, iyadoo todobaadkii hore dagaalo culus ay ka dhaceen agagaarka degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay, halkaasoo kolonyo ay la socdeen Ciidamada Itoobiya ay wadada u galeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular