Howlgalkani xalay ilaa saakay ciidamada dowlada iyo kuwa midowga Africa ee Amisom ay ka sameeyeen xaafadaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa ahaa mid lagu xaqiijinayay Nabadgelyad, iyadoo ciidamadu mid mid u baarayay guryaha ku yaalla xaafadaha degmadaasi wadajir ee Gobalka banadiir.
Xaafadaha Ciidamada sida wada jirka ah howlgalka ay ugu fuliyeen ayaa waxaa ka mid Xaafada Nasteexo, siligii Ameerikaanka ee Degamada Wadajir ka tirsan iyo xaafada kale oo ka tirsan Degmadaasi, waxaana lagu soo qabtay dad la tuhmayo in ay ka danbeyeeyn dilaal sacadahi uu danbeyay degmadaasi loogu geystay masuliyin ka tirsanaa dowlada soomaalia
Afhayeenka Wasaaradda Amiga Gudaha Maxamed Yuusuf Cismaan oo Warbaahinta la hadlay howlgalka kaddib Saakay ayaa sheegay in u jeedka howlgalka uu ahaa xaqiijinta nabadgelyada caasimadda, waxaana uu intaa ku daray inay sii wadayaan howlgallada noocaani oo kale ah ee lagu xaqiijinayo amniga.
Howlgalkii xalay ayaa waxa uu ka danbeyay kadib marki malinti shalay ahayd dilaal bareer ah aay kooxo hubeysan uguu geysteeyn degmada waddajir ee gobalka baadiir gudoomiye ku xigeeynki degmada wadajiir iyo qaar ka mid ah ilaladiisa iyaddo kooxihi falkaasi geystay aay goobta ka baxsadeeyn,