Wakiilka Urur Goboleedka IGAD Ee Arrimaha Soomaaliya Ambassador Maxamed Cabdi Afeey oo la hadlay Idaacada BBC-da ayaa ka hadlay Khilaafka iyo Xiisada Colaadeed ee u dhaxaysa Maamulka Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca.
Ambassador Maxamed Cabdi Afeey ayaa ugu baaqay Maamulada Galmudug iyo Ahlusunna in ay Joojiyaan dagaalka islamarkaana Dagaalka badalkiisa ay ku badalaan wada hadal iyo Is fahan.
“Urur Goboleedka IGAD aad ayuu uga xun yahay in Dad Soomaaliyeed ay si Nasiib daro ah ku dhintaan,waxaan ka Xunahay in Dadka Gobolada Dhexe ku nool lagu dul Dagaalamo,Dagaal waa laga tagay oo Dowladdnimo ayaa la qaatay”ayuu sii raaciyay Afeey.
Hadalka IGAD ka soo baxay ayaa imaanaya ,iyadoo Khilaaf gacan ka hadal Sababay uu u dhexeeyo Maamulka Galmudug iyo Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna ay sameysatay.