spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeIskuulada Gobolka Waqooyi Bari Ee Kenya Oo manta Dib Lofuray Xili Ay...
Array

Iskuulada Gobolka Waqooyi Bari Ee Kenya Oo manta Dib Lofuray Xili Ay macalin la aan yihiin

Wadanka Kenya, ayaa maanta waxaa si rasmi ah dib loogu bilaabi doonaa waxbarashada xiliga labaad ee Sanad dugsiyeedka Kenya ee 2015, kadib markii ardaydu ay ka soo laabteen fasaxii ay galeen bishii la soo dhaaftay ee April.

Iskuulada furmaayo maanta, ayaa waxey kala yihiin Dugsiyada hoose ee KCPE-da iyo kuwa sare ee KCSE Kenya oo dhamaantooda albaabada loo furay, isla markaasna ay xaadiri doonan ardaydii wax ka baraneysay.

Dhanka kale Gobalka waqooyi bari Kenya, ayaa sanadkaan xili dugsiyeedka labaad wuxuu u bilaabanayaa, iyadoo gobalkaas aynan wali ku noqonin Macalimiintii wax ka dhigi jirtay Iskuulada dowlada ee aanan Soomaalida aheyn. kuwaasoo joojiyay shaqooyinkoodii waxbarida ahaa kadib markii bishii December ee sanadkii hore ay Al Shabaab dileen Macalimiin baabuur saarneyd oo u kala safraayay Magaalooyinka Mandheera iyo Nairobi.

Sidoo kale weeraro iyo dilal isbada joog ahaa oo qaarkood lagu waxyeelayay dad xoogsato ahaa, Barayaal iyo Dhaqaatiir oo ka dhacay gobalka Soomaalidu ay ka dagto Kenya ee NFD, ayaa waxey sababeen shaqo joojin ay sameeyeen Macalimiin badan iyo Dhaqaagtiir markii hore ku sugnaan gobalkaas balse hada diiday iney dib ugu noqdaan.

Si kastaba ha ahaatee Ardayda wax ka barato Iskuuladda hoose iyo kuwa sare ee Kenya, ayaa bilaha November iyo December ee sanad kasto waxey u fariistaan Imtixaanada kama dambeysta ah ee Dugsiyada. Waxaana sanadkaan aanan la garaneynin sida ay noqon doonaan natiijooyinka ardayda wax ka baraneyso iskuulada ay macalimiintu ku yar yihiin ee ku yaallo Gobolka Waqooyi Bari Kenya oo markii horaba waxbarashadiisa laga deyrin jiray.

Dhanka kale Magaalada Mandheera oo aheyd goobta inta badan weeraradii lagu wax yeeleeyay Macalimiinta ay ka dhaceen sanadkii hore, ayaa taariikhda markii ugu horeysay sanadkii hore ay ardaydeedu heleen darajada ugu sareyso imtixaanka ee (A), waxeyna taas ku dhiiri-galineysaa ardayda kale ee gobalkaas ney ku dadaalaan waxbarashadooda in kastoo macalimiin badan aynan haysanin.

Ugu dambeyn bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobalka Waqooyi Bari Kenya oo ay ugu horeeyaan Madaxda laga soo doorto deeganadaas iyo waalidintiina, ayaa ugu baaqeen Macalimiintii wax ka dhigi jirtay Iskuulada waxbarashada dowlada ee deegaanadaas; iney dib ugu noqdaan xarumahooda isla markaasna ay sii wadaan waxbarida ubadka, ayagoona sidoo kale balan-qaaday iney sugi doonaan amnigooda.

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular