Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa sannadkaan Lagu Qabanaya Dalka Koonfur Afrika Waxaana Diirada Lagu Saari Doona Cirib-tirka saboolnimada Iyo Amnidarada Ka Jirta Qaarada Afrika ,
Shir Madaxeedka 25-aad ee Ururka Midowga Afrika ayaa sanadkan lagu qabanayaa magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika waxaana diirada lagu saari doonaa cirib-tirka saboolnimada iyo Amni-xumada ee ka jirta Qaaradda Afrika. Maalinta Axaddii ee soo socota ayaa shirka waxa uu ka furmayaa magalada Pretoria ee caasimada dalka ka hor inta aan loosoo wareejin magalada Johannesburg waxaa lagu jeex jeexi doona qodoba xasaasi ah iyo xaalada adag oo haatan ka jira qaarada afrika , sida dhibaatada kooxaha Boko Haram iyo Al-shabaab oo ka dagaalama dalalka Nigeria iyo Soomaaliya.
Shirka ayaa sida lagu wada waxaa si gooni ah loogu dheeran doona khatarta kooxaha Boko Haram iyo Al-shabaab ee ka kala dagalama dalalka naigeria iyo soomaaliya iyadoo looga fadhiyo Hoggaamiyayasha Afrika inay isku Af-gartaan Habka ugu Habboon ee Awoodda kooxaha loo baabi’in lahaa gabi ahaanba.
Duluicda kale ee la falanqeyn doono waxa kamid ah oo miiska saaran ajandayaasha kale ah Shaqo la’aanta haysata dhallinyarada Qaaradda Afrika iyo sidii Waxbarashada dalalka Afrika loo Horumarin lahaa. Sido kale shirka ayaa loga hadli doona xoojinta awoodda haweenka iyo sidii loo wajihi lahaa khataraha Ammaan ee Qaaradda ka jira,” ayuu yiri mas’uul sare oo ururka Midowga Afrika ka tirsan.
Hoggaamiyeyaasha Afrika oo Shirka ka socda Johannesburg ku Biiri doona 14-ka bishan Jun ayaa laga sugayaa inay Xal ka gaaraan Dhibaatooyinka ka Taagan Dalalka Koonfurta Suudaan, Liibiya, Somalia iyo Nigeria oo la sheegay inay caqabad ku noqdeen in Afrika horumar la gaarsiiyo.
Madaxweynaha dalka Zimbabwe, Robert Mugabe oo ah guddoomiyaha Midowga Afirka ee Sannadkan ayaa lagu wada in uu guddoominay shirka Midowga Afrika ee sanadkan . Madaxda Shirka ka Qayb-galaysa sheegay in sidoo kale diiradda la saarayo colaadaha ka jira dalal ay ka mid yihiin Burundi iyo Maali.
Wariye Omar Kiyow
Radio Hiranweyn
Johannesburg, Gauteng