spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeJohn Kerry Oo Kulan La Qaatay Madaxda Dowlada Iyo Kuwa Maamul Goboledyada...
Array

John Kerry Oo Kulan La Qaatay Madaxda Dowlada Iyo Kuwa Maamul Goboledyada Dalka

John Kerry Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka  iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, isagoo kulamo la qaatay madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh iyo RW-ha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, isagoo intaas kaddibna la kulmay madaxda maamullada gobollada dalka.
Kulankii uu John Kerry la yeeshay madaxweyna iyo RW Cumar oo ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa looga hadlay sidii ay Mareykanku uga caawin lahaayeen Somalia amniga iyo horumarinta hay’adaha dowladda Soomaaliya.
Mr’Kerry ayaa kulammo la qaatay hoggaamiyeyaasha maamullada gobollada dalka, oo ay ka mid ahaayeen; C/weli Gaas, Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, isagoo kala hadlay amniga iyo sidii horumarin loo gaarsiin lahaa maamullada dalka ka jira.
Xoghayaha arrimaha arrimaha dibadda dalka Mareykanka oo sidoo kale kulamo la qaatay xubno ka tirsan ururrada bulshada rayidka Soomaaliya, isagoo intaas kaddib xusay inaysan ka jeesan doonin Somalia illaa inta Al-shabaab dalka oo dhan laga ciribtirayo.
Wuxuu kaloo John Kerry sheegay in safaaraddii Mareykanka uu Muqdisho ku lahaa ay dib u furi doonaan, si xiriirka Somalia iyo Mareykanka loo xoojiyo, ayna taageero joogto ah siin doonaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
John Kerry ayaa kulammada uu la qaatay madaxda Somalia ayaa ahaa kuwo ay albaabbadu u xirnaayeen, iyadoo markii uu kulammada madaxda Somalia dhamesytay ayuu la kulmay saraakiisha AMISOM, isagoo uga mahad-celiyay howlgalka ay Soomaaliya ka wadaan iyo dagaalladii ay Al-shabaab kaga saareen deegaanno badan oo Somalia ka tirsan.
Mr Kerry ayaa noqonaya wasiir arrimo dibadeed Mareykan ah oo Somalia yimaada, sidoo kale wuxuu noqonayaa mas’uulkii labaad ee ugu sarreeyay oo Soomaaliya yimaado tan iyo markii ay Soomaaliya gashay colaadaha sokeeye, iyadoo uu Soomaaliya booqsho ku yimid madaxweynihii hore ee Mareykanka, George Bush oo sannadihii sagaashameeyadii yimid Somalia xilli ay abaaro daran ka jireen.
Illaa hadda ma jiraan warar rasmi ah oo ay dowladda Somalia kasoo saartay booqashadii taariikhiga ahayd ee John Kerry uu ku yimid Muqdisho iyo weliba wixii ay kawada hadleen madaxda Somalia iyo kuwa maamullada dalka ka jira.
MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular