spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeKenya Airways oo bilawday duulimaadyadii Wadanka Sierra Leone Kadib Markii,,,
Array

Kenya Airways oo bilawday duulimaadyadii Wadanka Sierra Leone Kadib Markii,,,

Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways, ay dib u bilowday duulimaadyadii ay ku tagi jirtay caasimada Sierra Leone ee Freetown.

Waxa ay noqoneysaa diyaaraddii ugu horeysay ee caalami ah ee dib u bilowda duulimaadyada Sierra Leone, xilli cudurka Ebola ee dalkaasi ku dhuftay uu sii wiiqmayo.

Shirkadda diyaaradaha ee Air France ayaa la filayaa in sidoo kale ay dib u bilowdo duulimaadyadeeda dalkaasi.

Sierra Leone ayaa waxaa todobaadkii lasoo dhaafay lagu arkay 12 kiis oo cusub oo cudurka Ebola ah.

Markii uu Sierra Leone ka dilaacay cudurka Ebola, shirkadaha duulimaadyada caalamiga ah ayaa joojiyay safaradii ay ku tagi jireen dalkaasi, marka laga reebo laba shirkadood ee kala ah Brussels airlines iyo RAM oo laga leeyahay dalka Morocco.

Taasi ayaa dhalisay in dadka ka safraya Afrika ee doonaya in ay u duulaan caasimada Freetown ay ka bixi karaan oo keliya Morocco ama Brussels.

Shirkadaha diyaaradaha ee Afrika ayaa khasaare badan kala kulmay go’aanka ay ku joojiyeen duulimaadyada saddexda dal ee ku yaalla Galbeedka Afrika ee uu saameeyay cudurka Ebola.

Shirkada Kenya Airways ayaa gashay khasaaradii ugu badnaa abid, waxaana ay hadda isku dayeysaa in ay dawladda Kenya ka hesho kharashaad ay daymo isaga bixiso.

Duulimaadyadda ay diyaaraddu ku tagi jirtay Freetown iyo Monrovia oo ah caasimada Liberia, ayaa ahaa kuwa ugu faa’iidada badanaa ee ay shirkadu gali jirtay.

Duulimaadyada Kenya Airways ee Monrovia ayaa dib u bilowday laba todobaad ka hor.

Kenya Airways

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular