Kooxo hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka Tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ayaa deegaan ku dhow degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari-Kenya ka afduubay gaari Qaad waday iyo sarkaal sare oo maamulka degmadaas ka tirsan.
Weerarkan oo ka dhacay maanta deegaanka Carabiya oo Mandheera ayaa la sheegay inay afduubkan geysteen, iyadoo lagu sheegay war ay booliiska Kenya shaaciyeen in sarkaalku uu xilligaas kusii socday Mandheera.
Illaa hadda ma jiraan warar sheegaya in sarkaalka la afduubay lagu soo badbaadiyay raggii afduubay iyo in kale, iyadoo deegaanka uu weerarku ka dhacay ay gaareen ciidammo ka tirsan kuwa Kenya.
Shilkan ayaa noqonaya kii ugu dambeeyay ee ka dhaca gobolka Waqooyi-bari ee waddanka Kenya, iyadoo dhawaan maamulka Mandheera uu xir-xiray tiro dad ah oo lala xiriirinayo in ay Al-shabaab gacan-saar leeyihiin.
Magaalada Mandheera ayaa ku taalla meel ku dhow soohdinta ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya; iyadoo ay Al-shabaab ay horay uga geystay duleedyada degmadan dhowr weerar oo ay ku dishay dad masiixiyiin ah.