Shir madaxeedka Abuja ayaa lagu go’aamiyey in ay tahay in xoogagga milateriga ee gobolka ay noqdaan kuwo shaqaynaya wixii loo gaaro dhamaadka bisha July.
In kastoo askarta badidood ay ka imaan doonaan Nigeria, Chad, Cameroon, iyo Niger, ayaa Benin waxay ku biirin doontaa ciidamo.
Ciidammadan isku dhafka ah ayaa waxa uu saldhigoodu noqon doonaa caasimadda dalka Chad ee Ndjamena.
Madaxweynahayaasha waddamadaas iyo wasiirka difaaca ee Cameroon ayaa isla ogolaaday in sarkaal Nigerian ah uu si joogto ah u qaban doono taliska ciidanka.
Arrintan ayaa timid ka dib dhaliil uu u jeediyey madaxweyne Muhamadu Buhari qorshe wareegto looga dhigayo taliska, kaasoo ay is dhaafdhaafsan doonaan waddamadu lixdii biloodba mar.
Wuxuu sheegay in taasi ay wiiqayso sidii loo riixi lahaa Boko Xaraam.
Madaxweyne Buhari wuxuu hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in la xadido awoodda ay kooxdu u leedahay inay dhaqaale iyo hub hesho, wuxuuna ku baaqay in si wanaagsan loo wadaago xogta Boko Xaraam oo u muuqda inay ka go’an tahay inay sii adkeeyaan xiriirka ay la leeyihiin Khilaafada Islaamiga.
Shirka oo muddo yar gudaheed lagu wargeliyey xubnaha ka qayb galayey ayaa muujinaya astaan ah in soo fajaridda kacdoonka Boko xaraam uu muhiimad koobaad u yahay madaxweynaha Nigeria.
Tan iyo markii la dhaariyey in ka yar laba todobaad ka hor, wuxuu u duulay Chad, Niger iyo Jarmalka oo uu kaga qayb galay shir madaxeedkii G7.
Kulamadaas dhamaantood waxaa diiradda lagu saaray dhismaha xulafo caalami ah oo la dagaallanta Boko Xaraam.
Labadii todobaad ee u dambeeyeyna tiro ka badan 100 qof ayaa lagu dilay weerarro loo adeegsaday qoryo iyo qaraxyo bambooyin oo ay qaaden jihaad doonayaasha.