Gudoomiyaha degmada Caabudwaaq C/risaaq Xassan Cawil oo Maanta Shir
Jaraa’id Ku Qaabtay degmada ayaaa ka warbixiyay Xaalada Degmada iyo
Ciidamadii shalay soo garay Saldhiga Degmada Caabudwaaq.
Gudoomiyaha Ayaa been abuur ku tilmaamay warar sheegaya in
maamulkiisa uu isaga baxay degmada kadib imaashiyihii Ciidamda
Ahlusuna ee Saldhiga degmadaasi Soo Gaaray Maalin nimadii
Shalay.
Gudoomiyaha aya tilmaamay in ay shalay yimaadeen Saldhiga Niman Ka
tirsan Culimadaa waxaasi ku tilmaamay inay ahaayeen kuwa deegaanka
isagoo xusay in Saldhiga ay haatan joogaan Ciidamadii hore ee
Booliiska degmada.
hadalka Gudoomiyaha ayaa imaanaya Xili maalinamadii shalay ay
saldhigaasi Tageen ciidamo ka tirsan Culimada Ahlusuna kuwaasi oo la
sheegay inuu Hogaaaminayay Madaxwayne ku xigeenka Maamulka Gobolada
dhixe ee looga dhawaaqay Magaalad Dhuusamareeb Sh. Xassan Gaboobe.
Waxaana imaatinka Caabudwaaq ee Ahlusunna uu ka dambeeyay 19.kii
Bishan Si goos goosa u dhexmarayay Ciidamada Daawlada iyo kuwo ka
tirsan maamulka Ahlusunna ku waasi oo dhaliyay qasaaro dhimasho iyo
dhaawac soo kala gaaray dhinac yadaasi iyo dad rayid ah.