Guddoomiyaha cusub ee degmada Jowhar C/qaadir Cabdulle Buurfuule ayaa ugu baaqay beeraleyda ku dhaqan Jowhar iyo Tuulooyinka ku dhow dhow inay sare u qaadaan wax soo saarka beeraha si looga maarmo kaalmooyin ka yimaada dalal kale.
Hoos u dhac ayaa ku yimid dalagyadii beeraha laga soo saari jiray, waxaana saameeyay fataadaha uu wabiga Shabelle ka geystay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Mr Buurfuule ayaa kormeer ku tagay deegaanka Maandheere oo ka mid ah deegaanada ku caan ah wax soo saarka beeraha, waxaana kormeerkiisa ku wehliyay Suldaanka Beelaha Lixda Shiidlo Suldaan C/rashiid, Gudoomiyihii hore ee degmada Jowhar Maxamed Amiin Cismaan Xaaji iyo Agaasimaha dib u dejinta Cismaan Maxamed Muqtaar iyo Waxgarad kale.
“Waxaa la idinka rabaa inaad kordhisaan wax soo saarkii beeraha, tacbashada inaa badisaan, haddii beeraheena wax ka soo saarano, waxaa ka baxeynaa kaalmooyinka bani’aadanimo ee dibada inooga yimaada”ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Jowhar.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay dadka reer Jowhar inay isku tashadaan, ayna ka maarmaan kaalmo shisheeye, isagoo tusaale u soo qaatay in dhaqaalaha laga helo wax soo saarka beeraha ee Gobolka Shabeellaha Dhexe uu ku filan yahay.