Maamulka Jubbaland, ayaa sheegay inuu diyaargarow ugu jiro duulaan ka dhan ah Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Degmadaasi waa midda keliya ee Ururka Al Shabaab ka jooggaan Gobolkaasi.
Madaxweyne Ku Xigeenka 1-aad ee Maamulka Jubbaland, oo maanta socdaal ku tagey Degmada Doolow, ayaa sheegay inuu Degmadaasi u tagey, sidii uu u abaabuli lahaa weerarka ka dhanka ah Degmada Baardheere.
General C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa Degmadaasi ku sheegay midda keliya ee Shabaabku kaga sugan yihiin Gobolka Gedo, iyana ay muhiim u tahay inay ka fara maroojiyaan.
General C/laahi Sheekh Ismaaciil oo Warbaahinta u waramay, ayaa carabka ku adkeeyay inuu qaban qaabin doono hujuumka ku wajahan Baardheere, iyadoo markaasi la soo gelinaayo gacanta Maamulka.
Inkastoo aanu sheegin goorta rasmiga ah ee ay ku dhaqaaqayaan qabashada Degmadaasi, ayuu hadana sheegay in dhawaan ay gaari doonaan Degmadaasi, sida uu yiri.
