Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa lagu Magacaabay Guddiyo dhawr ah oo ka shaqeeya Arrimo kala duwan oo Maamulku uu qabanayo.
Guddiyada uu Magacaabay Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa ay kala yihiin Guddi ka shaqeeya Qorshe Hawleedka Maamulka Galmudug horyaala 90-ka Cisho ee ugu soo horeeysa,Guddi ka shaqeeya Caleemasaara Madaxweynaha yo kuxigeenkiisa iyo guddi kale oo la sheegay in uu ka shaqeynayo Dib u heshiisiinta iyo Xalinta Beelaha ka maqan Maamulka ee wax tabanaya.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa horay u sheegay in Maamulkiisa uu ka shaqeynayo Dib u heshiisiinta iyo isku keenida Dadka dega Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya.