Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo taleefoon kula hadlay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa u xaqaiijiyay inuu bisha July ee sannadkan uu booqasho ku imaanaaya Kenya; kaaddib markii Al-shabaab ay weerartay Jaamacadda Gaarisa.
Obama ayaa sheegay inaysan cabsi-gelinayn xasuuqii ay xoogag ka tirsan Al-shabaab ka geysteen Khamiistii lasoo dhaafay Jaamacadda Gaarisa oo ay ku dileen 147-qof, uuna ku faraxsan yahay inuu la kulmi Kenyatta marka uu booqdo Kenya, sida lagu sheegay warbixin laga soo saaray Aqalka Cad.
Sidoo kale, Mr Obama oo taleefoon kula hadlay Jimcihii shalay Kenyatta ayaa sheegay in dalkiisa ay ka go’an tahay inuu Kenya ka caawiyo aarrim fara fara badan.
Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa isagana hoosta ka xariiqay inay gacan ka siin doonaan Kenya dagaalka ay kula jirto ururka Al-shabaab ee Somalia oo weerarro is-daba-joog ah ka geystay dalkaas.
Inkastoo Obama uusan u sheegin Kenyatta in dalkiisu uu weerarro ku qaadi doono Al-shabaab ayuu haddana u sheegay inay ka go’an tahay in Kenya ay ka taageeri doonaan xoojinta ka hortagga wuxuu ugu yeeray Al-shabaab.
Barack Obama oo booqanaya dhulkii aabihiis markii ugu horreysay isagoo madaxweyne ah ayaa wuxuu mar kale yiri. “Waan ogahay in dadka Kenya ay yihiin kuwo adkeysi badan leh.” Isagoo xusay inuu ka xun yahay xasuuqii ka dhacay Jaamacadda Gaarisa.
Ugu dambeyn, Obama wuxuu hadalkiisa ku yiri. “Dhacadani waa mid cad oo marag-ma-doonto ah. Mustaqbalka shacabka Kenyana laguma kala jari karo weerarrada argagaaxisoa ee noocan oo kale ah. Waana la qaabeyn doonaa rajada dhallinyarada Kenya sida kuwii dhiganayay Jaamacadda Gaarisa.”
Si kasta ha ahaatee, weerarkii Jaamacadda Gaarisa waxaa sheegatay Al-shabaab iyadoo weerarkaas lagu dilay 147-qof oo isugu jiray ardaydii jaamacadda, koxihii weerarka soo qaaday iyo ciidamad Kenya.