spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeMadaxweynaha Somaliya oo Jordan kaga Qayb-galaya shirka Amniga ee dalalka Afrika &...
Array

Madaxweynaha Somaliya oo Jordan kaga Qayb-galaya shirka Amniga ee dalalka Afrika & Carabta

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaarey magaalada Aqaba ee dalka boqortooyada , halkaas oo uu kaga qeyb-galayo shir-madaxeed caalamiga ah la xiriira is-kaashiga ammaanka.

Shirkan oo ay isugu imanayaan madaxda qaar ka mid ah waddamada Afrika iyo Carabta ayaa lagu gor-feyn doonaa qaababka ugu habboon ee dhaqsaha ah ee dalalkani ay isaga kaashan karaan sugidda ammaankooda iyo kan caalamka.

Xasan Shiikh iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Aqaba si weyn ugu kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan boqortooyada dalka Urdun, waxaana la filayaa in uu kulammo la qaato madaxda kasoo qayb-galaya shirkaan.

Madaxweynaha Somalia iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay Muqdisho ka dhoofay, iyagoo sii maray dalka Turkiga, waxayna uga sii gudbeen dalka Boqortooyada Jordan oo ay shirka amniga kaga qayb-galayaan; waxayna tani noqonaysaa markii ugu horreysay oo uu Xasan Sheekh socdaal ku tago Urdun.

Madaxweyne_Xasan_oo_tagay_Urdun

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular