spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeMadaxweyne Ku Xigenkii Hore Ee Ciraq Izzat Al-Douri Oo La Dilay
Array

Madaxweyne Ku Xigenkii Hore Ee Ciraq Izzat Al-Douri Oo La Dilay

Kaaliyihii hore ee Madaxweyne Saddaam Xuseen ahaana hogaamiye milatari oo baxsad ah Izzat Ibrahim al-Douri ayaa lagu diley dalka Ciraaq.

Al-Douri oo hogaamiye u ahaa koox taabacsan ururka IS ayaa lagu diley gobolka Salahuddin ee Waqoyiga Baqdaad kadib dagaal dhex maray kooxdaas iyo maleeshiyaad Shiico ah.

Generalkan ayaa ahaa gacantii midgeed ee hogaamiyihii hore ee dalka Ciraaq Saddam Xuseen oo ay xukunka ka tuureen ciidamadii uu horkacayay Maraykanka sanadkii 2003kii, ugu dambayntiina la daldalay sanadkii 2006.

Al-Douri ayaa ahaa sarkaalkii ugu sareeyay ee ka tirsanaa xisbigii Bacath oo aan la soo qaban tan iyo sanadkii 2003dii ayaa lacag badan la dul dhigay soo qabashadiisa.

Hore ayaa waxaa u soo baxay warar sheegayay dhimashadiisa ama soo qabashadiisa balse beenoobay, hase ahaatee warka maanta soo baxay ayaa ah mid runta u dhow, taleefishinka Al-Arabiya ayaa soo bandhigay muuqaal la sheegay in uu yahay meydka Al-Douri.

Guddoomiyaha gobolka Salahuddin Raed al-Jabouri ayaa sheegay in lagu diley Al-Douri howlgal ay fuliyeen ciidamo maleeshiyaadka shiicada ah bariga Tikrti oo ay ciidamada dowlada Ciraq dib u qabsadeen dhowaan.

Ciidamada Ciraaq oo ay caawinayaan duqeyn dhinaca cirka ah oo ay huwan uu hogaamiyo Maraykanka fulinayaan ayaa sababay in dhul ballaaran oo ay IS hore u haysatay dib u qabsadaan.Hase ahaatee IS ayaa weli waxaa gacanta ay ku hayaan dhul ballaaran oo ah Waqoyiga iyo Galbeedka Ciraaq taasoo ay ka mid tahay magaalada Mosul.

Al-Douri ayaa la aaminsan yahay in uu gacan weyn ku lahaa sidii uu ururka IS u qabsan lahaa deegaano ka tirsan dalka Ciraq.

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular