Maanta oo ah Maalinta Koowaad ee Ciida Carafo ama Ciidul adxa ayaa Magaalada Muqdisho Dadka ku nool waxaa ay u dabaal dagayaan Munaasabada Maalinta Koobaad ee Ciida.
Caruurta ayaa lagu Arkayaa iyaga oo Wajiyadooda ay ka muuqato Farxad,wadooyinka waa weyn ee Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Dadka waa weyn ayaa iyaganuna Camiray Masaajidyada si ay u Tukadaan Salaada Ciida.
Dhanka kale waxaa jira Dad ku nool Muqdisho oo u badan Qoysaska Barakacayaasha oo Caruurtooda iyo iyaguba aysan ka muuqan Damaashaadka Maalinta Koowaad ee Ciida,kuwaas oo ay haysato wax la’aan waxaana loo baahan yahay in Qof walba oo Muslim ah Allena uu Wax siiyay in ay Gargaaraan.