Ciyaartii sida aadka ah loo sugayay ee kooxaha isku magaalada ah ayaa aheyd mid natiijo cajiib ah ka soo baxday, markii Manchester United ay karaamada ka qaaday kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester City, kadib markii ay ku garaacday 4-2.
Kooxda Manchester City ayaa si dar dar ku jirto ku bilaabatay, iyadoo Sergio Aguero uu daqiiqadii 8aad hogaanka u dhiibay, kadib markii kubad uu u soo baasay Silva.
Manchester City ayaa wixii markaas ka dambeysay ay sii wadatay weerarkeeda, waxayna u muuqatay mid bilowga hore ee ciyaarta ka taqalusi rabtay kooxda Man United.
Hase ahaatee Manchester United ayaa durbaba sameysay soo laabasho cajiib ah, iyadoo daqiiqadii 14aad uu goolka bar baraha u dhaliyay Ashley Young, kaasoo ahaa xidiga aadka uga dhex muuqday Manchester Uniyed.
Daqiiqadii 28aad ayaa waxaa gool labaad u dhaliyay Manchester United ciyaaryahan Felliani, kaasoo ahaa kubad madax ah oo uu goolhaye Hart si dhib yar ku hareer mariyay.
Manchester United ayaa hogaanka 2-1 ku qabatay, waxaana lagu kala nastay 2-1 qeybtii hore, markii qeybtii labaad lagu soo laabtay Manchester United ayaa sii wadatay inay kubadda maamulato, halka Manchester City ay umuuqatay mid la qabsan weyday dar darta United.
Ciyaaryahan Mata ayaa goolka 3aad u dhaliyay Manchester United, kaasoo ciyaarta ka dhigay 3-1, waxaana goolka afaraad u sii saariyay ciyaaryahan Smalling.
Sergio Aguero ayaa goolkiisa labaad dhaliyay, waxaana ciyaarta ay ku soo idlaatay 4-2 oo ay Manchester United guusha ku raacday, kuna xajisatay booska saddexaad ee kala sareynta Horyaalka, iyadoo Manchester City ay kaalinta afaraad ku sii negaatay.
Dhinaca kale Chelsea ayaa si dirqi ah waxay uga badisay kooxda QPR, ciyaar xiiso laheyd, waxayna ku dhamaatay 1-0, goolka waxaa dhamaadkii ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Fabregas.
Chelsea ayaa ku hogaamineysa 73 dhibcood, halka Arsenal oo ku xigta ay leedahay 66 dhibcood, Manchester United ayaa leh 65 dhibcood, halka Man City ay leedahay 61 dhibcood.