Tuesday, April 16, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Xasan Sheekh Oo Xarigga Ka Jaray Waddo Loogu Magac Daray Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya

Axad , October -15- 2023-{HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xariga ka jaray Waddada Maxamuud Xarbi ee degmada Warta Nabadda iyo waddada Cusub ee loogu Magacdaray Madaxweynihii Hore ee Dalka Cali Mahdi Maxamed ee degmada Cabdicasiis. Labadaan waddo ayaa waxaa si isxilqaan ah ku dhisay Maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya shacabka degan degmooyinka Warta Nabadda iyo Cabdicasiis.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir iyo dadka deegaanka isku tashiga ay muujiyeen, taas oo ka tarjumeyso wadajir iyo wax wada qabsi shacab, isagoo qeybaha kala ee degmooyinka Gobolka Banaadir u diray farriin ku aaddan in ay door weyn ka qaatan dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha oo ay ugu horreyso waddooyinka muhiimka u ah isu socodka dadweynaha, kobcinta dhaqaalaha iyo bilicda Caasimadda Muqdisho.

Waddadan ayaa isku xirta Gaadiidka Booliska illaa wadada Xeebta Liido, waxaana ay ka mid tahay waddooyinka dib loo dhisay oo Maamulka Gobolka Banaadir uu fuliyay dib u dhiskooda.

{DAAWO MUUQAALKA} Dr Amiin Samakaal” Abshir Aduunyada Cadaalad kuma helin”

Talaado 16 April ,2024 {HMC} Dr Amiin Samakaal" Abshir Aduunyada Cadaalad kuma helin" HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA. https://youtu.be/_bH2bAl7h9c  

{DAAWO MUUQAALKA} Sheekh Maxamed oo wacyi galin ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciida ka xooga Dalka.

Talaado 16 April ,2024 {HMC} Sheekh Maxamed oo wacyi galin ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciida ka xooga Dalka HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA. https://youtu.be/0RqoP-6e80E

WARARKA