spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeMareynkanka oo Kenya ka taageeraya ka hortaga weerarada Al-shabaab
Array

Mareynkanka oo Kenya ka taageeraya ka hortaga weerarada Al-shabaab

Safiirka Mareynkanka u fadhiya dalka Kenya Robert Godec,ayaa sheegay in Dowladiisa ay sii wadeyso dalabka taageerada ay Kenya kaga caawineyso ka hortaga weerarada kaga yimaada Al-shabaab.

Xukuumada Washintong ayaa xaqiijisay inay ka xun tahay weerarada qasaaraha nafeed dhalinaya ee Al-shabaab ka geysanayaan gobolka Waqooyi bari Kenya gaar ahaan magaalada Mandera halkasi oo shabaabku ay ku dileen ku dhawaad 14-Qof.

“Anigoo fursadaan ka faa’ideysanaya waxaan tacsi u dirayaa Ehalada dadkoodii ay jeclaayeen kaga geeriyooday weerarkii Mandhera”,ayuu yiri Robert Godec.

Sidoo kale, ambassador Robert Godec,ayaa xusay in qatarta Shabaab ay ku hayaan Kenya aan la dafiri Karin,islamarkaana ay tahay mid xaqiiq oo jirta,isagoona hadalkiisa intaasi ku daray in Dowladeydiisa ay sii wadeyso taageerada Kenya laga siinayo dagaalka Al-shabaab.

Xukuumada Washintong ayaa muhiim ku tilmaantay talaabadii Dowlada Kenya ciidamada ugu soo daad gureysay Soomaaliya si ay u taageeraan howlgalka AMISOM ee loogaga horjeedo ururka Al-shabaab.

 

mareykanka

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular