Maxkamadda Ciidamada Dalka Masar ayaa 26 Sakaal oo ka tirsan Ciidamada Dalkaas ku xukuntay Xabsiyo kala duwan, kaddib markii, waxaana saraakiishaas ku jira afar Jeneraal oo howlgab ah.
Waa markii ugu horreysay oo Maxkamadda Ciidamada dalka Masar ay saraakiil ka mid ah ciidamada Masar tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore ee Waddankaas, Maxamed Mursi oo lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahay Ururka dalkaas laga Mamnuucay ee Ikhwaanul Muslimin.
Sidoo kale, saraakiishan qaarkood ayaa lagu eedeeyay inay ku biireen Ururka Ikhwaanul Muslimiin intii uu talada hayay Madaxweynihii hore ee Waddankaas, iyadoo sidoo kale ay maxkamaddu xustay in saraakiishan ay kasoo horjeedeen xukunka Cabdulfataax Al-Siisi.
Maxkamadda Millateriga Masar ayaan sheegin goobaha laga soo kala qabtay saraakiishan la xukumay. Iyadoo la sheegay in xukunka Saraakiishan loo gudbin doono Maxkamadda sare ee Millateriga Masar si ay go’aan kale uga gaarto.
Xukunka Maxkamadeed ayaa la sheegay inaysan goobjoog ka ahayn Cali Xalmi Al-jazaar oo ah hoggaamiyaha ciidamada Xisbiga Xorriyadda iyo Cadaaladda oo isbahaysi ay yihiin Ururka Akhwaanul Muslimiinta iyo Maxamed Cabdiraxmaan oo ka Tirsan Isla Ururka, kuwaasoo midkiiba lagu xukumay 25-sano oo xabsi ah.