C/qaadir Luga dheere Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubba oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Kismaayo ayaa shegay in ay Maamulka Jubba uu diyaar u yahay in u la fariisto lana hadlo shaqsiyaadka Dhaliilsan Maamulkooda.
C/qaadir Luga dheere ayaa sidoo kale sheegay in Maamulka Jubba uu diyaar u yahay ka shaqeynta midnimda iyo isu soo dhawaanshaha Dadka dega Gobolada Jubooyinka iyo Gedo.
Waxa Maalmihi dambe soo baxaayay Eedeymo iyo dhaliilo loo jeedinayo Madaxda Maamulka Jubba oo la xiriirta dhismaha Baarlamaanka maamulka Jubba
