Waxaa loo haystaa lugtii ay ku lahaayeen rabshado lagu dhintay oo xagga kubbadda ah 3 sano ka hor.
Kiiska ayaa la xiriira isku dhac dhex maray laba kooxood oo taageerayaal iska soo horjeeda ah, dhacdadaas waxaa loo yaqaanaa xasuuqii garoonka port Said.
In ka badan 70 qof ayaa ku dhintay.
Qaaddiga ayaa maxkamadda kaga dhawaaqay xukunka.
Dhowr sarkaal oo boolis ah ayaa dacwad loo hor keenay kiiskan dartiis.
Midkoodna dil laguma xukumin, laakin madaxii hore ee magaalada Port Said u qaabilsanaa amniga ayaa lagu xukumay 5 sano oo xabsi ah.