Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa riday xukuno kala duwan, kadib markii dad eedeysanayaal ah maxkamada la horgeeyay.
Xaashi Cilmi Nuur, Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu ridaayo dadka eedeysanayaasha ah ee maxkamada Gobolka la horgeeyay.
“Abuukar Cabdi Axmed oo lagu soo eedeeyay in uu dilay Marxuum la oran jiray Xasan Cismaan Axmed Maxkamada Gobolka Banaafir waxa ay ku xukuntay dil toogasho ah,
Qaasim Ciiley Cabdi oo ku eedeysan wiil yar oo afar jir ah uu ku sameeyay fal kufsi ah Maxakamadu waxay ku xukuntay 10-sano oo xabsi ah iyo 10-Milyan oo ganaax ah,
Maxamed Cali Maxamuud dib ayaa loo dhigay,
Cabdiraxmaan Nuuraani Maxamed oo ku eedeysan kufsi inuu u geystay gabar yar oo aan qaangaar aheyn Maxkamada Gobolka Banaadir waxay ku xkuntay 15-sano oo xarig ah iyo 8-kun dollar oo ah dhibaatadii gaartay gabadha,
Aweys Cabdinuur Ibraahim oo ku eedeysan inuu dilay marxuumad la oran jiray Nimco Cabdi Maxamed, Maxkamadu waxay ku xukuntay dil toogasho ah,
Maxamed Cabdullaahi Cabdi oo ku eedeysan baabuur uu waday uu ku dhintay Marxuum la oran jiray Cali Abshir Cali baaburkaas oo u rarnaa si taxadar la’aan ah oo aan sharciguna ogoleyn isaga darawalka ahna uusan heysan leysan Maxakmada Gobolka Banaadir waxa ay ku xukuntay laba sano oo xabsi ah iyo diyada Marxuumka oo ah 100-halaad
Wabillahi Towfiiq”