spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeMidowga Afrika oo ergey cusub u soo magacaabay dalka Soomaaliya
Array

Midowga Afrika oo ergey cusub u soo magacaabay dalka Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Africa Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma, ayaa u soo magacawday Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira oo u dhashay dalka Mozambique inuu noqdo wakiilkeeda gaarka ah ee Soomaaliya iyo madaxa howlgalka AMISOM.

Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira, ayaa waxa uu beddeli doonaa Ambassador Maman Sambo Sidikou oo kasoo jeeda waddanka Niger.

Tan iyo sanaddii 2010, Ambassador Madeira waxa uu ahaa wakiilka gaarka ah ee ururka Midowga Africa ee isku xirka ka hortagga argagixisonimada iyo agaasimaha xarunta fadhigeedu yahay magaalada Algiers ee Xarunta Afrika ee Daraasaadka iyo Cilmi-Baarista Argagixisada (ACSRT).

Magacaabista madaxa cusub ee AMISOM ayaa imaneysa xilli ururka Midowga Afrika, sida uu sheegay, uu isku dayayo inuu dedejiyo isku dayada ay lagu xasilinayo Somalia.

Francisco Madeira ayaa sidoo kale waxaa uu noqotay danjiraha dalka Mozambique u fadhiyi jirey xarunta Midowga Afrika intii u dhaxeysay sanadkii 1984 -1989, iyadoo sidoo kale la taliye dhanka diblomaasiyadda ah u noqoday madaxweynaha wada hadaladii nabadeed ee dowlada ay lagashay ururka mucaaradka ah ee RENAMO, taas oo ka dhalatay in heshiis magaalada Rome bishii August sanadkii 1992.

Amassador Francisco Madeira ayaa ku dhashay magaalada Beira ee dalka Mozambique 4 April sanadkii 1954. Waxaa uu bartay xiriirka caalamka Jaamacad ku taala magaalada Daaru Salaam ee Tanzania, isagoo sidoo kale shahaadada sharciga ka qaatay Jaamacada Eduardo Mondlane oo ku taala magaalada Maputo ee caasimadda dalka Mozambique.

ergaga midwga africa

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular