spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeMilateriga Nigeria oo soo bad baadiyay dad hor leh oo afduub u...
Array

Milateriga Nigeria oo soo bad baadiyay dad hor leh oo afduub u heysteen Boko Haram

Milateriga Nigeria ayaa sheegay inay soo bad baadiyeen dad hor leh oo ay Kooxda Boko Haram afduub u heysteen, iyadoo ciidamada ay howl galo ka wadaan dhulka keymaya ee Sambisa lagu magacaabo.

Xoogaga Boko Haram oo looga adkaaday dagaaladii u dambeeyay ee waqooyi bari Nigeria ka dhacay ayaa u carartay dhulka ballaaran ee keymaha, halkaasoo Milateriga Nigeria uga daba tageen.

Wararka ayaa sheegaya in intii howl galka socday ay ciidamada bur buriyeen dhowr xeryo ay lahaayeen dagaalyahanada Boko Haram.

Afhayeen u hadlay Milateriga Nigeria Col. Sanu Usman ayaa sheegay in ilaa 160 ruux oo ay ku jiraan wiilal iyo gabdho ay sii daayeen, arbacadii la soo dhaafay, iyadoo tiradan ka dhigeyso in ku dhow shan boqol oo ruux la soo bad baadiyay.

Horaantii todobaadkan ayay ciidamada soo bad baadiyeen ku dhowaad 300 oo ruux oo isugu jira haween iyo caruur.

Lama sheegin in dadkan la soo bad baadiyay inay ku jiraan gabdhihii iskuuleyda ahaa ee laga qafaashay magaalada Chibok bishii April ee sanadkii hore.

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular