Munaasabad lagu soo afjarayay khilaaf dhex yiil labo beel oo wada dega gobolka Sh/dhexe ayaa lagu qabtay maanta magaalada Jowhar ee xaruunta g/balka sh/dhaxe,
Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay maamulka gobolka Sh/dhexe maamulka degmada Jowhar nabadoono waxgarad iyo culumaa’udiinka gobolka Sh/dhexe ku nool kuwaa oo goob joog ka ahaa madasha hishiska.
Guud ahaan nabadoonada ayaa waxa ay sheegeen in muddo shan bilood ah ay soo socdeen wada hadalo u dhexeeyay labada beelood ee Walamoy iyo Maxamed Muuse laguna heshiiyay in la soo afjaro khilaafka u dhexeeyay labadaasi beelood.
Munaasabadan ayaa waxaa ka hadlay guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Sh/dhexe Sheekh Abuukar Xasan Cali oo sheegay in loo baahan yahay in ficil loo bedelo heshiiska la gaaray isla markaana labada beelood ka dhabeeyaan heshiiska ay gaareen.
Gabagabadii munaasabadan ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Guudlaawe Xuseen waxana uu ku tilmaamay heshiiska la gaaray guul u soo hoyatay shacabka gobolka Sh/dhexe.
Maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa hore u sheegay in uu sameyn doono dib u heshisiin, dib u dhis iyo dib u dejin shacabka ay dhibaatada ka soo gaartay dagaal beeleedyadii ka dhacay bariga magaalada Jowhar dhamaaadkii 2013kii.