spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeMusharax C/kariim Xuseen Guuleed iyo Qaar kamid ah Odayaasha G/dhexe Oo Kulan...
Array

Musharax C/kariim Xuseen Guuleed iyo Qaar kamid ah Odayaasha G/dhexe Oo Kulan Wadaqaatay {DAAWO SAWIRO}

Musharax C/kariim xuseen Guuleed oo ka mid ah musharixiinta u taagan Qabashada xilka madaxtinimada maamulka gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay qaar katirsan odayaasha dhaqanka ee dega gobolladaasi.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay sidii hore loogu sii wadi lahaa maamul u sameynta gobollada Mudug iyo Galguduud iyo sidii beelaha ku nool deegaanku ay u taageeri lahaayeen dadaalada lagu doonayo in maamul ay ku mideysanyihiin dadkaasi uu kasoo baxo shirka ka soconaya magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud halkaas oo xiligan ay ku shirsanyihiin ergooyin ka kala yimid degmooyinka iyo gobollada Mudug iyo Galguduud.

Sidoo kale odayaasha uu la kulmay musharax C/kariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay inay si wanaagsan u socoto howlaha maamul u sameynta islamarkaana looga baahanyahay dadka deegaanaadas inay taageeraan maamulkan oo ay ku howlanyihiin wasaaradda arrimaha gudaha iyo gudiga farsamada ee dhawaan gaaray magaalada Cadaado.

CATIIR KKKKKKK CIS LABA ODAY

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular