Nin Soomaali-Canadian ahaa oo magaciisa lagu sheegay Kabil Cabdulkhaadir ayaa lagu dilay (Axaddii) magaalada Toronto ee dalka Canada.
Booliska magaalada Toronto ayaa shaaciyay sawirka marxuumka oo 27 jir ahaa.
Boolisku waxey sheegeen in dilka uu ka dhacay iridka hotel lagu magacaabo Marriott oo u dhow isgoyska waddada Bay iyo Dundas.
Goob-joogeyaal ayaa tilmaamay in dambiilaha uu cararay dhanka hotelka, sida ay qortay warbaahinta Canada.
Joyce Schertzer oo ka tirsan booliska magaalada Toronto ayaa sheegtay inay wadaan baaritaan ku aaddan ciddii ka dambeysay dilka.
Booliska ayaa faray dadka ka ag dhawaa goobta uu falku ka dhacay inay waaxda ka hortagga dambiyada ku wargeliyaan haddii ay hayaan macluumaad ku aaddan dambiilaha.
Kabil ayaa 2009-kii lagu eedeeyay dambi la xiriira in hub sharci darro ah laga helay gaarigiisa, sida uu qoray Tv-ga Canada, qeybta wararka ee magaalada Toronto.