Ergeyga Gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya, SRSG Nicholas Kay ayaa si aad ah u cambaareeyay weerarka lagu qaaday gaari ay leedahay Qaramada Midoobay oo yaalay magaalada Garoowe weerarkaasoo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan.
“Waxaa iga nixiyay igana walwaliyay waxa maanta ka dhacay Garoowe. Waxaa aad u fool xun sida loo qiimo tiray nolosha dad ka shaqeeynayay arimaha Bani-aadanimadda iyo mashaariicda horumarineed ee ku aadan baahida dadka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Ergayga Gaarka ah SRSG Kay.
Saakay abaarihii markay ahayd 2-da saac ee subaxnimo ayaa gaari ay leedahay Qaramada Midoobay oo ka shaqeynaayay Garoowe, Puntland, lala beegsaday waxyaabaha qarxa ( IED), waxaana ku waxyeeloobay dad aan tiradooda la garaneyn, waxaana socda dadaal gurmad ah oo looga jawaabayo dhibkii dhacay.
Mr.key ayaa ugu dembeyn shegay in Arintan ay ku abuurtay murug Qaramada Midoobay, hadana waxay u mideysanyihiin sii loowadida howlahooda. Qaramada Midoobay waxaa ka go’an in ay dadka Soomaaliyeed barbartaagnaato. Waxaan tacsi u dirayaa saaxiibadii iyo qoysaskii dadkoodu ku nafwaayeen iyo kuwii kudhaawacmay ama waxkunoqdayba.