spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeNin Itoobiyaan ah oo Gabar Soomaaliyeed ku dilay Nairobi kadibna is dilay...
Array

Nin Itoobiyaan ah oo Gabar Soomaaliyeed ku dilay Nairobi kadibna is dilay iyo Sababta arintaasi ka dambeysa oo la ogaaday

Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in habeen hore xaafada ee Soomaalidu ku badan tahay ee Islii, ay ka dhacday dhacdo naxtin badan kadib markii Nin Itoobiyaan ah uu ku dilay Gabar Soomaaliyeed.

Ninka dilka geestay ayaa kasoo jeeda Qoomiyada Oromada ee Dalka Itoobiya, waxa uuna dilka Gabadha Soomaaliyeed u adeegsaday Toorey, waxaana lagu waramay in ninkan markii uu dilka fuliyay kadib uu isna sun cabay sidaasna uu ku dhintay.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in dilka uu ka dambeeyay nin Magaciisa lagu sheegay Cabdimaalik Idiris oo kasoo jeeday Qoomiyada Oromoda , waxa uuna ninka dagnaa meel aan ka fogeyn Guriga ay dagnaayeen Gabdha uu dilay oo iyana magaceeda lagu sheegay Saado Maxamed Cabdullahi oo 26 sano jir aheed.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in ninka Itoobiyaanka ah ee dilka geestay uu gabadhan Soomaaliyeed uu Xariir jacey ka dhaxeeyay uuna soo galay khilaaf iyo is fahmi waa, halka Wararkalana sheegayaan in ninkan dilka geestay uu Jacel u bandhigtay Gabadha Soomaaliyeed balse ku guul dareestay in laga aqbalo codsigiisa Jaceyl.

Dad ka agdhawaa halka uu dilku ka dhacy ayaa sheegay in Toorey dhoor meel uga dhiftay gabadha Soomaaliyeed taa oo keentay inta aan Isbitaal la geyn ay goobta ku geeriyooto , waxaana goobta dilku ka dhacay gaaray xiligaa kadib ehelada gabadha la dilay iyo dad kale yaqaanay kuwaa oo aad uga naxay sida foosha xun ee gabadhdaasi loo dilay.

Taliyaha booliska xaafada Istarexe Bernard Nyakwak, ayaa sheegay in Ciidamada booliiska ay baarayaan Kiiskan dilka ah, waxa uuna tilmaamay in Su’aalo weediinayana ehelada ninka Dilka geestay oo isna sun uu cabay u geeriyooday.

Dhacdadan ka dhacday Xaafada Islii ee Magaaada Nairobi ayaa noqotay mid si weyn looga hadal hayo, waxaana dhacdadaasi si weyn uga naxay dadka Soomaaliyeed ee maqlay, waxaana Xaafada Islii kuwada Nool Soomaali iyo Itoobiyaan aad u badan.

Islii kenya

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular