spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeNin Soomaali Mareykan ah Oo qirtay inuu doonayay inuu Daacish ku biiro
Array

Nin Soomaali Mareykan ah Oo qirtay inuu doonayay inuu Daacish ku biiro

Sakariye Yuusuf C/raxmaan oo ah Soomaali 20 sanno jir ah ayaa qirtay inuu doonayay inuu inta u safro dalka Suuriya uu ku biro dagaalamayaasha kooxda Daacish ee xoogeeda uu ka aas aasan yahay wadamada Suuriya iyo Ciraaq.

Sakariye waxaa uu ka hor sheegay guddiga maxkamada qaadaysay dacwadiisa inuu asaga iyo 8 ruux oo kale oo Soomaali u badan inay dhowr jeer ka wada hadleen wadadii ay Suuriya u mari lahaayeen iyo sida ugu fudud ee xataa dhaqaalo loogu ururin karo Daacish.

Muwaadinkaan Soomaaliga ah ee Maraykanka ku nool waxaa uu xusay in inta badan kulamadii ay uga arrinsanayeen wadadii ay Daacish ugu biiri lahaayeen ay ka dhaceen masaajido maqaayado iyo meelaha lagu kulmo waxaana uu intaa ku daray in markii la qabanayay uu u diyaarsanaa inuu Turkiga u safro oo halkaas Syria kaga sii gudbo.

Fikirka ah inuu Daacish ku biiro waxaa uu sheegay inuu ku dhashay sanadkii hore ee 2014 markaas uu daawaday muuqalo lagu tarjumay Af-Ingiriis oo baraha bulshada lasoo dhigay kuwaasoo ay ka muuqanayeen dhibaato uu dadka Muslimka ah u geysanayo M/weynaha Syria Bishar Al-Asad.

Waxaa uu garsoorka maxkamada Sakariye u sheegay inuu daawaday dad da’a ah dumar iyo caruur Muslimiin ah oo dhiig baxaya una baahan taageerada walaalahood Muslimiinta ah sida aniga oo kale.

Sakariye Yuusuf Hooyadiis oo la yiraahdo Ayaan Yuusuf ayaa warbaahinta u sheegtay inay aad uga murugootay marka ay maqashay wiilkeeda oo qiranaya inuu doonayay inuu Daacish ku biiro hase ahaatee waxay eeda dusha ka saartay dad ay ku sheegtay inay caruurta ku shubaan afkaaraha ururada hubeysan ee xag jirka ah.

Inkastoo gudoonka maxkamada dhagaysanaysay kiiska muwaadinkaan Sakariye Yuusuf C/raxmaan la yiraahdo ay go’aan qaadan haddana waxaa uu wajihi doonaa ugu yaraan 15 sanno oo xarig ah.

Dhalinyaro aan tiro yareyn oo Soomaali ah kana kala tagay wadamo badan oo rag iyo dumarna leh ayaa hadda u dagaalama ururka Daacish qaarkoodna waaba ay ku naf waayeen.

 

 

 

 

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular