Madaxwayne Obama ayaa daaha ka rogay waxa uu ugu yeeray tallaabadii ugu muhiimsanayd ee waligeed loo qaado si loola dagaalamo cimilada isbadalaysa ee adduunka.
Madaxwayne Obama waxa uu sheegay in jiilka hadda jiraa uu yahay kii ugu dambeeyay ee arrimahan ka hadlilahaa, laakiin waxa uu sheegay in Mareykanku uusan ka gaabinayn arrintaas oo ay tahay in uu tallaaba qaado.
Waxa kale oo uu madaxwaynuhu sheegay, in haddii aan laga hortagin hadda, oo aan la joojinin ay noqon doonto mid wax ka qabashadeedu ay soo daahday.
Madaxwayne Obama waxa uu intaasi ku daray in qiyaas go’an loo sameyn doono qiiqa wasakhaysan ee hawada gala, ee ka baxa warshadaha tamarta dhaliya, kaas oo ay jaangoyn doonto ha’yadda ilaalisa deegaanka.
Sidoo kale, Madaxwane Obama waxa uu sheegay in qorshahan micnihiisu uu yahay in Maraykanka uu yarayn doono qiiqa wasakhaysan ee kaarboonkanka qiyaastii saddex meelood hal meel, muddada 15 sano ah ee soo socota.
Qorshahan Madaxwayne Obama, waxaa jira dad badan oo soo dhaweeyay una arka mid wax ka tari karaya isbadelka cimilada Aduunka.
Waxaana ka mida dadkaasi afhayeenka xoghayaha guuud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon, oo sheegay in qorshahani uu gacan ka gaysan karo heshiis lagu gaaro shirweynaha isbadelka cimilada adduunka ee bisha December ee sanadkan ka dhici doona magaalada Paris.
Haseyeeshee, waxaa sidoo kale jira dad badan oo ka soo horjeestay qorshahani, kuwaasi oo u arka in uu yahay mid aan waxba soo kordhinayn. Waxaan ka mid ah dadkaasi, xubno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee aqalka Sanate-ka iyo qaar ka mid ah ganacsatada warshadaha waawayn ee Maraykanka.