Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo uu wehliyo madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb Cabdullaahi Cali Maxamed (Baarleex) ayaa kormeeray xarumaha loogu talagalay qabashada shirka maamul u sameynta gobollada Mudug iyo Galgaduud.
Odowaa ayaa tilmaamay in diyaar garow wanaagsan uu ka muuqdo magaalada Cadaado oo lagu qaban doono shirka, isagoo xusay in maamulka Ximan iyo Xeeb uu masuuliyad iska saaray sidii loo qaban lahaa shir mira dhal ah oo maamul loogu dhiso labada gobol ee Mudug iyo Galgaduud.
Wuxuu sheegay in amniga magaalada aad loo adkeeyay, si shirka uu u noqdo mid kasoo baxa natiijo ka dhalata maamul mideysan oo ay yeeshaan labada gobol.
Madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb Cabdullaahi Cali Maxamed (Baarleex) ayaa xusay inay dadaal badan ku bixiyeen diyaar garowga iyo marti gelinta shirka lagu wado toddobaadkan inuu ka furmo magaalada Cadaado ee xarunta maamulka.