Ciidamada police-ka dalka koonfur afrika ayaa baadi goob baaxad leh ugu jira sadax nin oo lagu eedeeyay inay ka danbeyeen dilka ganacsade soomaaliyeed oo ay ku khaarijeyeen goobtiisa ganacsi oo ku taalay degaanka isku raranka ah ee Khayelitsha magalada cape town,
26 Jiraka Soomaaliga Ah ayaa la toogtay saacada markii ay saacada ku beegneyd 06:00 aroornimo malintii isniinta aheyd ee shalay sida uu saxaafada u xaqiijiyay Captain FC Van Wyk oo ah afhayeen u hadlay police-ka magalada cape town,
“Sadaxda eedeeysane ee falka burcad nimo iyo dilkaba lagu tuhmaya waxay qaateen lacaga cash ah & cigarettes iyo kaarka ku hadalka telephonada ee “airtime. ah iyo alaaba yaalay dukaanka kadib markii ay dhowr xabadood ku hubsadeen oo ay khaarijiyeen ganacsadaha soomaaliga ah ayu yiri Captain FC Van Wyk ,
Tirada Soomaalida Bishan Lagu dilay dalka koonfur afrika ayaa aad u korortay iyado bishan la dilay ku dhawaad 8 qof oo dhamantood ahaa ganacsato iyo shaqaala dukaan waxaana dilalka ugu badan ay ka dhaceen gobolka limpopo iyado gobolkaasi lagu dilay 4 ganacsato soomaali ah mana jirta ilaa haatan war kaso baxay dowlada koonfur afrika oo ku aadan dilalka sii kordhaya ee soomaalida loogu geeysanaya dalka koonfur afrika .
Omar Kiyow
Johannesburg
K/Afrika