spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomePro:Jawaari “2016 Agosto kadib dalka kama dhici karto doorasho qof iyo cod”
Array

Pro:Jawaari “2016 Agosto kadib dalka kama dhici karto doorasho qof iyo cod”

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa rajo xumo ka muujiyay in Dalka Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho xalaal ah oo qof iyo cod ah marka la gaaro Agoust 2016-ka.

Prof Jawaari oo hadal ka jeediyay Kulan ay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay Shalay Muqdisho ku yeesheen ayaa sheegay in xiliga Dowlada ay ku egtay bisha Agoust ee sanada 2016-ka waxa uuna tilmaamay in sababo badan oo jira owgeed aysan suurto gal aheyn in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

”Waxaa la wada ogyahay in 2016 Agousto kadib in aysan dalka ka dhici karin doorasho xalaal qof iyo cod ah, Dastuuriyana waxaana la isku wada raacsan yahay ,Baarlamaan , Madaxweynaha iyo dhamaan intii doorasho ku timid in xilka noogu egyahay marka la gaaro 10-ka September ee sanada 2016-ka” Ayuu yiri Jawaari.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa tilmaamay in sababo jiro owgeed aysan dalka ka dhicin karin doorasho qof iyo cod ah marka waqtigoodu dhamaaday, waxa uuna arimahaasi u sababeeyay dastuurka dalka oon dhameystirneyn, amaanka oon sugneyn, tirokoob sax ah oon laheyn,iyo Hay’adihii Dowlada qaarkood oo dhamesteirneyn.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo jeediyay in waqti kordhin loo sameeyo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si loo dhameestiro waxyaabo badan oo qabyo ah oon xiligan suurto gal ka dhigeyn in dalka doorasho ka dhacdo.

????????????????????????????????????
Hiiraanweyn.net
MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular