Maamulka Puntland ayaa sheegay inay dib u fasaxeen howlihii Telefishinka Qaranka ee SNTV uu ka hayay deegaanadooda, kadib markii shalay ay shaqada ka joojiyeen.
Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Puntland C/llaahi Xaashi Warsame (Qoob-deero) oo shalay amarkan soo saaray ayaa ku eedeeyay Telefishinka Qaranka inuu warar been abuur ka tabiyay Puntland.
“Telefishinka Qaranka ee SNTV warar been abuur ah ayuu ka tabiyay Puntland, taas ayaa sabab u aheyd in muddo kooban shaqada laga joojiyo”ayuu yiri C/llaahi Xaashi Warsame oo la hadlayay Idaacada VOA.
Sidoo kale waxaa uu xusay inuu ogolaaday in Telefishinka uu howlihiisa sii wato, waxaana uu ku dhaliilay in aanu Telefishinku sidii laga rabay u tabin howlaha Gurmadka Puntland u fidineyso dadka ka soo cararaya colaada Yemen.
Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa shalay wax laga xumaado ku tilmaamtay go’aanka Puntland ay ku joojisay shaqadii xafiisyada SNTV uu ka waday Puntland.
Puntland oo qeyb ka ah Maamul goboleedyada ka tirsan dowladda Federaalka ayaa leh Telefishin u gaar ah, waxaana Maamulka marar badan uu naqdiyay go’aamo dowladda federaalka ka soo baxay, isla markaana horay u sheegay inay xiriirka u jareen.