spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeQaarka Mida Waddooyinka Muqdisho oo loo Xiray Xuska Maalinta Milteriga...
Array

Qaarka Mida Waddooyinka Muqdisho oo loo Xiray Xuska Maalinta Milteriga Somalia

12ka april maanta oo kale waa  maalintii ciidamada millateriga Somalia la aas-aasay ayaa dabal-dagga maalintan awgeed loo xiray inta badan waddooyinka Muqdisho, iyadoo loo diiday dadka iyo gaadiidka.

Ciidammo  kuwa dowladda ah ayaa lasoo dhoobay wadooyinka magaalada, kuwaasoo diiday socodka dadka iyo kan gaadiidka, si amniga loo sugo inta dabaal-daggu socdo.

Iskuullada iyo Jaamacadaha ayaa shalay la fasaxay si ardayda aysan ugu yeelan saameyn xirtaanka waddooyinka; iyadoo waddooyinka xiran ay ka mid yihiin, Maka Al-Mukarama, Soddonka, Wadnaha iyo tan Warshadaha.

Dabaal-dagga xuska ciidamada millateriga loogu Somalia oo ah kii 55-aad ayaa ka socota wasaaradda gaashaandhigga, iyadoo mas’uuliyiinta kala duwan ee dowladda ay ka qaybgalayan.

Ugu dambeyn, dabaal-daggan awgii ayaa waxaa ciidamada xoogga dalka u diray hambalyo ra’iisul wasaaraha Somali, Cumar C/rashiid oo Puntland ku sugan iyo wasiirka gaashaan-dhigga Soomaaliya, Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini.

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular