Ugu yaraan 115 carruur ah ayaa lagu diley 172 kalana waa ay ku dhaawacmeen tan iyo markii ciidamada huwanka ee ay Sacudi Carabiya hogaamiso ay ku bilaabeen duqeynta dhinaca cirka ah bishii aynu ka soo gudubnay.
Afhayeen u hadlay UNICEF ayaa sheegay maanta in ugu yaraan 64 carruur ah oo dhintay intii u dhexeysay March 26 illaa iyo April 20 keedii ay ku dhinteen duqeynta dhinaca cirka ah.
Warbixinta ayaa intaa raacisay in 26 carruur ah ay ku dhinteen bambooyin aan qarxin iyo miinooyin, halka 19 kalana ay rasaas ku dhinteen. Sidoo kale UNICEF ayaa waxa ay sheegtay in carruur badan lagu askareeyay dalka Yemen intii ay dagaalada ka socdeen.
WHO ayaa waxa ay sheegtay in tirada dadka ku dhintey dagaalada dalka Yemen ay ka sara mareen kun ruux iyadoo 551 ka mid ah dadkaasna ay yihiin dad rayid ah.
Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada ee WFP ayaa ka digtey in 12 malyan oo ruux ay soo wajahday xaalad cunto yaraan ah iyadoo dadkaasina aysan aqoon waxa ay cunaan maalintaas.
Waxana hay’adu ay sheegtay in dad ka badan boqol kun o oruux oo ku jira xeryo ku yaal magaaladda Cadan ay u siinayso gargaar cunto ah.