spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeQarax weyn oo dad badan ku dhinteen oo ka dhacay dalka Shiinaha
Array

Qarax weyn oo dad badan ku dhinteen oo ka dhacay dalka Shiinaha

Ugu yaraan 44 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen labo qarax oo ka dhacay magaalada dekeda leh ee ku taala waqooyiga Shiinaha ee Tianjin.

Qaraxyadan ayaa ka dhacay baqaaro lagu keydiyo kiimikooyin halis ah, waxaana la sheegayaa in dhimashada ay sare u sii kici karto.

In ka badna 500 oo ruux ayaa ku dhaawacantay qaraxan oo saameeyay guryo badan oo ka ag dhowaa, kuwaasoo ay daaqidihii iyo muraayadaha soo daateen.

Dadka dhintay waxaa ku jira 12 ruux ka tirsan kooxaha dab damiska, sida ay soo warisay wakaalada wararka Shiinaha ee Xinhua.

Boqolaal gaari ayaa ku bur buray qaraxyadan ku jiray baqaaro ay ku keydsanaayeen nuucyo waxyaabaha qarxa oo kiimikooyin ay u badnaayeen.

Sawiro la soo geliyay baraha bulshada ayaa la arkayay qiic iyo holac cirka isku shareeray oo la arkayay.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Shiinaha oo ku aadan qaraxyadan gil gilay magaalada Tianjin, waxaana socda gurmad xoogan oo dowladdu wado.

dab (1)dab (2)dab (3)

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular