Qaxooti Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa ka dalbaday Isniintii Xukuumadda Kenya inay dib u eegto codsigii ay Qaramada Midoobay u dirtay ee ahaa inay muddo saddex bilood ah ku rarto Qooxotiga.
Madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto ayaa horraantii toddobaadka ku dhawaaqay in Qaramada Midoobay ay u rarto qoxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab gudaha Somalia; isagoo siiyay muddo saddex bilood ah.
“Waxaan ka codsanay hay’adda UNHCR inay ku rarto Qaxootiga saddex bil, si loo hakiyo weerarrada laga soo abaabulo xeryaha,” ayuu yiri Ruto oo ku daray intaas in xeryuhu ay noqdeen kuwo ay Al-shabaab isticmaasho.
Xeryaha Dhadhaab-Kenya ayaa waxaa ku nool in ka badan 500,000 oo Somali ah oo kasoo cararey dagaalka sokeeye iyo abaaraha ka jira Soomaaliya muddada fog, waana xeryaha qoxootiga ee dunida ugu weyn.
Qoxootiga ku nool xeryahan ayaa ka cabsan in la celiyo Soomaaliya oo ay ku tilmaameen inay weli ka jiraan khataro dhanka amniga ah, taasoo keenaysa in la beegsado.
“Inaan ku laabto Somalia ma ahan mid qorshaha iigu jirta waayo, xitaa madaxda dowladda Somalia nabad ma haystaan, waxayna ku saftaan qaar ka mid ah gaadiidka gaashaaman sida taangiyada ciidamada AMISOM,” ayuu yiri Khaliif Cali Sokor warbaahinta kula hadlayay Dhadhaab.
Sidoo kale, qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Kenya ayaa dalbaday inay dowladda Kenya ixtiraamto sharciyada caalamiga ah ee qoxootiga iyo inay dhowrto heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee dib u celinta qoxootiga.
“Madaxda Kenya waxay shegeen in danaha ammaanka Qarankooda ayaa ka weyn inaan raacno sharciyada Caalamiga ah ee Qoxootiga iyo heshiisyadii horay looga gaaray,” ayuu yiri Joshua Meservey oo ah mas’uul ka tirsan urur caalmi ah.
Tallaabadan ay Dowladda Kenya ku dalbanayso in dib loo celiyo qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya ayaa timid kaddib markii Al-shabaab ay weerar khasaare badan geystay ku qaadday toddobaadkii hore Jaamacad ku magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya.
Maxamed Cabdi oo ka mid ah Qoxootiga ayaa sheegay in raridda Xeryaha Dhadhaab ay sahlayso in Al-shabaab nay dhallinyarada qoysaska saboolka ah ee xeryaha laga raro ay ciidan ahaan u qorato, dagaalkana uu xoogeysto.
“Haddii dib naloo celiyo, taasi waxay keenaysaa in kumannaan innaga naga mid ah ay ku biiraan Al-shabaab, waayo ma haystaan fursad kale oo aan ka ahayn inay ku biiraan kooxda. Taasina waxay kordhin doontaa weerarrada lagu soo qaadayo Kenya,” ayuu yiri Maxamed Cabdi.
Xeryaha Dhadhaab ayaa waxaa ku jira Qoxooti muddo dheer degenaa iyadoo aysan weli hay’adda UNHCR wax jawaab ah ka bixin codsiga xukuumadda Kenya ee ah in qoxootiga lagu raro muddo saddex bilood gudahood ah.