spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeRag ka tirsan al shabaab oo Kenya lagu toogtay
Array

Rag ka tirsan al shabaab oo Kenya lagu toogtay

Booliska Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay dileen 2-qof oo ay sheegen in ay rumaysan yihiin in ay ka tirsanayeen dhaq dhaqaaqa Al-shabaab kadib markii ay howlgal ay kuq aaden guri ay daganayeen kadib maclumaad ay ka heleen muwadiniinta wadankaasi Kenya kuwasi oo ku noolaa degaanka Diyani ee gobolka Kwali waxana gurigaasi laga helay labo bastoolad iyo 16-rasaasta nool.

taliyaha booliska ee howlgalkaasi u xilsaarnaa ayaa u sheegay barta Capital FM in uu rumaysan yahay in ragaasi ay kasoo laabteen dalka Soomaaliya kadib markii ay tababaro la qaateen dhaq dhaqaaqa Al-shabaab.

Howgalkaasi intii uu soconayay ayaa waxaa lagu dhaawacay mid kamid ah saraakiisha booliska balse gudoomiyaha gobolka Kwale Ivans Ashoke ayaa sheegay in xaaladiisa ay wanaagsan tahay.

Booliska dalka Kenyaa ayaa todobaadkii tagay waxa ay baahiyeen magacyada iyo sawirada 10-qof ugu yaraan oo ay sheegeen in ay xiriir la leeyihiin dhaq dhaqaaqa Al-shabaab kuwaasi oo gudaha u galay Kenya kadib tababaro ay ku qaateen Soomaaliya.

 

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular